Home / Dibadda / Google oo loo maxkamdeynayo geeri ay ku lug yeelatay.

Google oo loo maxkamdeynayo geeri ay ku lug yeelatay.

Himilo  – Qoys mareykan ah ayaa dacwad ka gudbiye shirkada Google kaddib markii shil gaari uu galay wiil ay dhaleen oo isticmaalaye Jiheeyaha shirkadda ‘Google Map’.

Philip Paxson oo ahaa dhaqtar iyo Aabe labo caruur ah leh, waxa uu shilka galay bishii September 30, 2022 kadib markii gaariga uu waday ka dhacay buundo ku taalla waqooyiga Gobolka Caroline-Mareykan-ka. isagoo  ka soo laabtay xafladda dhalashada gabadhiisa, waxa uu isticmaalay jiheeyaha shirkadda Google kaas oo ku hagay buundo sagaal sanno ka hor duntay dib u dayactirna aan helin.

Ciidanka deegaanka oo soo helay meydka Paxson waxay sheegeen in gaariga uu ka dhacay meel lix meles dhulka ka sareysa taas oo keentay inuu geeriyoodo.

Dhowr mar ayaa shirkadda Google lagu wargaliye inay saxdo jiheeyada maadaama Buundadaas ay duntay balse shirkadda ayaa warkaas meeshiisa ka qaadin, taasoo dad badan qatar galisay,  ugu dambeyna geeri keentay.

Maxkamaddu waxay heshay dhowr fariin oo Google loo soo diray kuwaas oo sheegaya in qatar uu sababi karo Map-ka ay isticmaalayaan ee buundada.

Dadka deegaanka Hickory mid kamid ah waxa uu fariin diginin ah u soo diray bishii September 2020 google balse dib u habeen laguma sameyn jiheeyaha shirkadu ay isticmaashay.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan