Goolhaye Donnarumma oo diiday laba dalab

Himilo – Gigio Donnarumma ayaa diiday laba dalab oo heshiis kordhin ah Milan ayaana lagu soo waramayaa in ay wadahadalada hakisay.

22 jirkaan ayaa arki doona qandaraaskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Mudnaanta Milan ayaa ah inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga, laakiin sida laga soo xigtay Gianlucadimarzio.com, Rossoneri ayaa haatan hakisay wadahadaladii.

Khabiirka Sky Sport Italia ee suuqa kala iibsiga ayaa ku waramaya Donnarumma inuu diiday dalabkii furitaanka ee Milan ee ahaa 6m sanadkii, oo ay kujirto  1m oo guno ah oo lala xiriirinayo u qalmida Champions League.

Rossoneri ayaa markaas dalabkooda u kordhisay 7 milyan euro sanadkii iyo 1 milyan oo dheeri ah.

Soo-jeedinta ayay mar labaad  laaleen goolhayaha iyo wakiilkiisa Mino Raiola.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Raiola uu doonayo qandaraas cusub oo uu sanadkii ku qaadanayo €12 milyan oo macmiilkiisa ah.

Donnarumma ayaa haatan mushaar ahaan sanadkii uga qaadanaya kooxda Milan 6 milyan oo euro waxana lala xiriirinayaa kooxaha Juventus, Chelsea, Man United iyo Real Madrid.

Rossoneri ayaa hada hakisay wadahadaladii heshiis kordhinta sida ay sheegayaan wararka kale ee ka imanaya dalka talyaaniga, waxay ka fikirayaan bedelka 22 jirkaan.

error: Copy lama Ogola Fadlan