Home / Cayaaro / Goorma ayuu ku soo laabanayaa tababarka Kevin De Bruyne?

Goorma ayuu ku soo laabanayaa tababarka Kevin De Bruyne?

Muqdisho – Xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne ayaa diyaar u ah inuu tababarka buuxa ku soo laabto Isbuuca soo aadan, isagoo si weyn u soo jiitay Pep Guardiola, sida ay warisay Metro.

Xiddiga reer Belgium ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo kulankii ay  2-0 kaga badiyeen Fulham  Carabao Cup ka dib markii uu dhaawac jilibka ah kasoo gaaray, waxaana ay sheegtay  City in De Bruyne uu garoomada seegayo  lix todobaad.

De Bruyne ayaa horay u seegay  wax ka badan laba Bilood kooxda  xilli ciyaareed, kadib markii uu dhaawac jilibka ka soo gaaray bishii August, Pep Guardiola ayaana qirtay inay dhabarjab weyn ku tahay inuu waayo 27 jirkaan.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu si xoog leh ku bilowday soo kabsashadiisa, City ayaa haatan rajeyneysa De Bruyne inuu kusoo laabato tababarka buuxa isbuuca soo aadan.

Soo laabashada ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kursiga keydka ku soo bilaabi doonta kulanka West Ham ee garoonka Olympic Stadium ka dib ciyaaraha heerka caalami, Guardiola ayaana booska keydka ku soo bilaabi doona.

Hadii uu ciyaari karo De Bruyne, waxa ay la micno tahay inuu seegayo  seddex kulan oo kaliya, waxaana uu ku soo laaban doonaa kulanka muhimka  ah ee Chelsea horaanta December.

City ayaa  labo dhibcood hogaanka ku heysa Premier League markii ay ciyaartay  12 kulan ilaa haatan.

Ciyaaryahanka Belgium-ka  ayaa kaga guulaystay  xilli ciyaareedkii hore Mohamed Salah  abaalmarinta PFA Player of the Year ka dib markii City ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan