Home / Macluumaad / Gorgor halis ku haya nolosha magaalo kamid ah Maraykanka.

Gorgor halis ku haya nolosha magaalo kamid ah Maraykanka.

Muqdisho – Gorgorku waa shinbirta qaran ee dalka Maraykanka, hayeeshe badi dadka Ameerikanka ah aad bay ugu adag tahay inay arkaan inta ay nool yihiin, marka laga reebo kuwa ku nool magaalada Unalaska halkaas oo ay aad ugu badan yihiin.

Unalaska waxay guri u tahay dad ku dhow 4,700 kuwaas oo deegaankooda ay la qeybsadaan shinbiraha kan ugu xoogga badan – Gorgorka.

Xaaladda ka jirta halkan oo Gorgoryadu ku hayaan dadka deegaanka ma ahan mid lagu koobi karo ereyada xeesha dheer. Laga soo bilaabo aqalka dushiisa ilaa goobaha ganacsiga, inta u dhaxaysa waxaa aad loola taahay la fal-galka shinbirahan oo adeegyada dadku sitaan ka dhaca: carruurta yarar dharbaaxa ama gaarsiiya halis kale.

Kasokow inay leeyihiin kartida ay isku difaacaan, dadkan magaalada ku nool waxay ku jiraan digtooni dheeraad siiba mar walba oo ay ag marayaan Gorgor – waayo isaga oo moodaya in lagu soo socdo ayuu weerarka ku bilaabaa.

Gawaarida iyo guryaha dushooda iyo siiba kuwa laga tagay ama aan loo baahnayn ayay hoy ka dhigtaan. Tani waxaa loo celinayaa geedaha halkan ku yaalla oo aad u kooban. Waxay ku dul dagaan gaadiidyada socda – iyaga oo mararka qaar ka dilaaciya bacaha si ay ula baxaan waxa ku jira.

U dhawaanshaha xeebta dekadda Dutch Harbor, Gorgoryadu waxay doorbideen inay Jaziiradda Unalaska ku noolaadaan oo Kalluun badan lagu dhoofiyo. Waxay sidoo kale ka qaraabtaan goobaha lagu soo qubo qashinka oo ay hubaal u og yihiin inay ka helayaan dhuuni ay cunaan.

Unalaska-bald-eagles2-750x422 Unalaska-bald-eagles-750x563

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan