Muqdisho – Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa wuxuu Tababarka Heerkiisu Sarreeyo ee Maamulka iyo Maareynta Isboortiga ah ( Advanced Sports Management Course), kaasoo ah wejiga Labaad Qeybtiisa Shanaad wuxuu Muqdisho ugu qabtay Mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirrada kala Duwan iyo Ururrada Isboortiga dalka.
Tababarka Wejigiisa labaad ayaa wuxuu ka furmay Hotelka Shamoow ee magaalada Muqdisho, waxaana koorsadan oo lasoo bilaabatay December 2017 soo qaban qaabiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo kaashanaya Guddiga Olombikada Adduunka ee IOC iyo Olympic Solidarity.
Qaybta shanaad wajiga labaad ee Koorsada oo socotay laba maalin, waxaa maalinta koowaad 15 September 2018 ka qayb galayaasha koorsadan oo Xiriiro iyo Ururo isugu jiray ay sameeyeen bandhig ku aaddan sidii ay ugu dabaqeen qorshaha xiriiradooda casharadii ay ka barteen Tababarka, ee dhinacyada hannanka maaraynta maaliyada iyadoo Qayb kasta marka bandhigooda dhamaysteen uu su’aalo waydiinayay Ustaad Aadan Axmed oo koorsadan bixiyay iyadoo ka qayb galayaasha ay jawaabo ka bixinayeen, intaas keddibna waxaa ay halkaas qaadanayeen talooyinka ka maqan ee loosoo jeedinayay.
Markii uu bandhiga soo idlaaday Ustaad Aadan Axmed ayaa aad u bogaadiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka faa’iidaystaan koorsadan xubnaha loo qabtay isagaoo tilmaamay heerka bandhiga iyo sida ay mas’uuliyiinta xiriirada casharada ugu dabaqayaan waxii halkan ka barteen ay tahay wax loo baahnaa.
Wuxuu sheegay in hadafka GOS ay koorsadaan u qabnayso uu yahay in ay Xiriirada iyo Urururada Isboortiga ay horumar la taaban karo ka sameeyaan xagga Maamulka, iyadoo maamulka oo hagaagana uu sahlayo Horumarka guud ee isboortiga dalka.
Dhanka kale waxaa maalintii labaad 16 September 2018 ka qayb galayaasha Koorsada qaateen casharo ku aadan hanaanka suuq gaynta, waxaa koorsadan bixiyay Professor Cabdulqaadir Abuubakar Weah , Ustaad Axmed Guure iyo Ustaad Sakariye Cabdi Maxamed.
Qeybta Kooraska Suuq Geynta Isboortiga waa Cudud muhiim ah Muhiimna u ah Xiriirrada Isboorti ee dalka ka jira, maadaama uu habka suuq gaynta Isboortiga dalka uu hadda ku jiro soo Kabasho.
Ka qayb galayaasha ayaa lagu barayay qaybha Aas-aasiga u ah Habka suuqa gaynta sida, Dajinta qorshe Suuq Gayn , Abuurista fursadaha sahli kara, ka gudbida Caqabadha ku horgudban, hanaanka sharciyada, waxaana lagu soo bandhigay cilmi baaris ay wadamo badan oo caalamka ay sameeyaan sida ay baahiyahooda suuqa gayn xal ugu helaan iyo guulihii ay ka gaareen.
Masuuliyiinta Xiriirada iyo Ururuada ka socda ayaa dhamaan soo dhaweeyay dadaalka iyo juhdiga ay GOS ugu jirto horumarintda aqoontooda Isboorti, waxayna mahad celin gaar ah usoo jeediyeeen Macalliinta Koorsadan bixiyay kuwaa aqoontooda iyo gudbintooda ay aad u saraysay.
Qaybta Lixaad ee Koorsadan ayaa lagu barran doonaa Habka abaabulaadda dhacdooyinka waa wayn ee Isboorrtiga waxayna horay usoo barteen , Qaabka maamulka ciyaaraha heer Olympic, dajinta Qorshaha fog, Maaraynta dadka, Habka maaliyada iyo Suuqa gaynta.
Waaxda warfaafinta GOS
priligy dapoxetine 60mg 5PodocinpnlacF was replaced by a SalI using a linker sense 5 ctagcagatctaagcagtcgaca 3 and antisense 5 ctagtgtcgactgcttagatctg 3
Results Age of onset in these patients varied from 48 73 Priligy Nkx2 1 is necessary for the specification of nNOS interneurons
as does your body s innate immune response where to buy priligy usa Murphy pinch hitting for Rosales
The funders had no role in the design of the study; the collection, analysis, or interpretation of the data; the writing of the manuscript; or the decision to submit the manuscript for publication how to buy generic cytotec without insurance