Home / Madadaalo / Guddoomiye dib loo doortay isaga oo mootan laba todobaad

Guddoomiye dib loo doortay isaga oo mootan laba todobaad

Himilo – Dadka dega xaafadda Deveselu, ee ku taalla koofurta Romania ayaa markii labaad u doortay Ion Aliman gudoomiyaha xaafaddaasi, inkastoo uu dhintay laba isbuuc kahor.

Iyaga oo rumeysan inuu yahay ruuxa kaliya ee xilkaas u qalma, ayaa 64% dadkii codadka dhiibtay waxey u codeeyeen gudoomiyaha dhintay.

Gudigii doorashada oo qudhooda u arka inuu ahaa hogaamiye wanaagsan, ayaanan magaciisa ka saarin liiska tartamayaasha.

Haweeneey xirneed af-saab ayaa talefishin gudaha ah u sheegtay “Waxa uu ahaa hogaamiyaheena dhabta ah, dhinaceena ayuu taagnaa, sharciyada ayuu tixgalin jiray umana maleynayo in asiga oo kale aan dib u arki doono.”

Muqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkayay tobanaan dadka degaanka ah oo booqanaya qabriga Ion Aliman, iyaga oo ifinaya shumac kadib markii ay soo idlaatay doorashada dowladaha hoose ee Romania.

Deveselu, oo dhacda koofurta Romania ayaa waxaa ku nool dad lagu qadarro 3-kun oo ruux.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan