Home / Cayaaro / Guddoomiyihii Chelsea oo 19 sano kaddib is casilaya

Guddoomiyihii Chelsea oo 19 sano kaddib is casilaya

Kooxda Kubadda Cagta Chelsea  ee Dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in Guddoomiyihii guud ee Kooxda Bruce Buck kaas oo muddo 19 sano ahaa maanulayay kooxda.

76 jirkan ayaa sababta uu isku casilayo lagu sheegay in Dowladda UK ay dalbatay in qofkasta oo muddo dheer ka shaqeynayay Chelsea saaxiibna lahaa Abromavich uu is casilo.

30ka Bishan June ayuu shaqada ka tagayaa Bruce oo 76 jir ah saaxiibna la ahaa Abromavich.
Intii uu ahaa maamulaha guud ee Kooxda Chelsea waxaa uu ka caawiyay in ay ku guuleysato dhamaan koobabka Kubadda Cagta ee la yaqaan.

Sidoo kale 2010kii waxaa uu sameeyay hay’adda Chelsea Foundation taas oo mashaariic kala duwan oo taageerada dadka danyar la xiriirta.

Haweeneyda suuqa u qaabilsaneyd Chelsea ee Marina ayaa iyana bisha August shaqada ka tageysa sida ay ku heshiiyeen milkiilaha cusub ee Todd Boehly.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan