Home / Arrimaha Bulshada / Gumber: 12-jirkii xusuustiisa ay u horseeday guusha

Gumber: 12-jirkii xusuustiisa ay u horseeday guusha

Himilo – Siddhant Gumber, oo ku nool magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa magaciisa lagu dhigay buugga Guinness World Record, kaddib markii uu daqiiqad gudaheed ku gartay kuna sheegay midabada 39 diyaaradood.

12-jirkan oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka Haryana ee dalka India, ayaa la guddoonsiiyay shahaadada Guinness, iyada oo loo aqoonsaday ruuxii ugu horreeyay ee muddo 60 Ilbiriqsi ah ku fahma midabada qeybta danbe ee 39-diyaaradood.

Waxa uu sheegay in hooyadiis ay ka caawisay inuu garto xafidana naqshadaha iyo midabada ay leeyihiin qeybaha danbe ee diyaaradaha ugu caansan adduunka.

“Waxa uu leeyahay xusuus cajiib ah, caadiyan ma hilmaamo sawirkii uu mar arko. Waxa uu xiiseeyaa waxyaabo kala duwan, waxa uuna jecel yahay inuu wax badan ka ogaado waxyaabaha sida diyaaradaha,” Monisha Gumber, hooyada Siddhant ayaa sidaasi u sheegtay Gulf News.

Waxey sii raacisay inuu jecel yahay calamada wadamada, balse ay xoogga saareen midabada qeybaha danbe ee diyaaradaha, taasi oo ay u arkayeen iskuday xiisa leh.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan