Home / Dhaqaale / Is-baddel lagu sameeyay billadda nabadda ee Nobel

Is-baddel lagu sameeyay billadda nabadda ee Nobel

Himilo – Dadka ku guuleysta sannadkan 2020 billadda nabadda ee Nobel Peace prize, ayaa heli doono lacag ka badan middii hore, sida uu shaaciyay gudigga bixiyada billadaasi.

Guuleyste kastaa waxa uu heli doonaa lacag dhan 10-milyan oo kronor ah. Marka loo barbardhigo sannadkii hore waxaa dheeri ah 1-milyan oo doolar.

Lars Heikensten, agaasimaha hay’adda Nobel ee billadda bixisa ayaa u sababeeyay kororkan xasilooni maaliyadeed oo la gaaray.

Sida ay sheegtay hay’adda laga soo bilaabo 2012-kii raasumaalkeeda ayaa sannad kasta sameeynayey kobac lagu qadarey 9%.

Bisha Oktoobar ee ina soo aadan ayaa la shaacin doonaa guuleystayaasha billadda nabadda ee sannadka 2020. Munaasibadda abaal marinta ayaana dhici doonta 10-ka December.

Nobel Peace prize oo la bixiyo sannad kasta, ayaa lagu dhiirigaliyaa dadka wax ku kordhiya saaxada Suugaanta, tan caafimaadka, Fiisikiska, Kimistariga, Nabadda iyo Dhaqaalaha.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan