Home / Habka-Nolosha / Guulleystayaasha tartanka tiknoolojiyadda Bariga-dhexe

Guulleystayaasha tartanka tiknoolojiyadda Bariga-dhexe

Himilo – Koox arday ah oo u dhashay Pakistan ayaa sanadkan ka mid noqday tartamayaashii kusoo baxay loolanka tiknoolojiyadda baroga-dhexe oo ay qabato shirkadda Huwei, kaas oo ay ka qeyb galaan in ka badan 15-kun oo arday ah oo ka kala socda 440 jaamacadood oo caalamka ah.

Inta uu socdo tartan waxaa ardayda ay qaataan tababaro, iyada oo la qaado imtixaano la xiriira xirfadda iyo aqoonta ICT-da, waxaa imtixaanadaasi ku hara qaar ka mid ah tartamayaasha, taas oo fududeysa inay isku soo haraan kooxo yar oo la abaal marin karo.

Imtixaanka oo ka kooban seddax heer ayaa midka ugu danbeeya ay tahay ka qeyb-galayaashu iney isku xiraan kombiyuutaro yaalla xarumaha Huwei ee adduunka, iyadoo shaqadaasi ku qabanaya kaliya lix saac.

Ardayda u dhashay Pakistan oo ahaa seddax, ayaa noqday guulleystayaashii ugu horreeyay ee qaaradda aasiya ee kusoo baxa tartankaasi. Waxey ku guulleysteen adduun dhan $20,000 oo ay wehliyaan kombuyuutarada gacan ku qaadka ah ee MateBook iyo taleefanada gacanta. Waxaa sidoo kale ay ku biiri karaan xarunta shirkadda Huwei ee Pakistan.

“Waxa uu ahaa waqti qurxoon, sharaf ayey inoo ahayd inaan matalno dalkeenna,” ayuu Kalim Ullah oo ka mid ahaa ardayda guulleystay u sheegay Gulf News.

Kaalinta labaad waxaa kusoo baxay arday ka socotay Ciraaq, halka tan seddaxaadna ay wadaageen kooxo ka socday wadamada Lebanon, Bahrain iyo Cumaan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan