Home / Habka-Nolosha / Hab cusub oo mushaarka loogu kordhin karo barayaasha dugsiga

Hab cusub oo mushaarka loogu kordhin karo barayaasha dugsiga

Himilo – Dugsiga sare ee Batesville, ee gobolka Arkenssas ee Mareykanka ayaa adeegsanaya korontada laga dhaliyo cadceedda, si loo dhimo qarashka ku baxa korontada.

Barxadda dugsiga ayaa ka dhigay in ka badan 1,400 oo qalab oo qabanaya kuleylka qoraxda, si loogu rogo koronto la isticmaali karo. Tan iyo markii uu hirgalay mashruuca waxaa la dhimay 1.6-milyan oo kilowatt, taas oo sahashay in la keydiyo $250-kun.

Lacagtaasi ayaa mushaar kordhin loogu sameyn doonaa barayaasha dugsiga, iyada oo macallinkiiba loogu dari doono laba amaba seddax boqol oo doolar, sida uu sheegay kormeeraha guud ee dugsiga Batesville.

Mashruucan guuleeystay, ayaa soo jiitay xarumo kale oo waxbarasho,kuwaas oo iyana billaabay inay isticmaalaan korontada laga dhaliyo qoraxda.

“Waxaa jira ugu yaraan 20 dugsi oo aageena ku yaala oo qaatay aragtideena” ayuu yiri Michael Hester, kormeeraha dugsiga sare ee Batesville high school.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan