Home / Cayaaro / Habaarka Messi ee Clasico la’aanta Ronaldo oo sii socota

Habaarka Messi ee Clasico la’aanta Ronaldo oo sii socota

Himilo – Lionel Messi ayaan dhalin wax gool ah ama diiwaan galin wax caawin ah kulan El Clasico ah tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo ku biiray kooxda Juventus sanadkii 2018.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay 26 gool isla markaana caawiye ka noqday 14 kale 45 kulan oo uu ka horyimid Real Madrid laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu wax ku biiriyo goolasha Barcelona ee Merengues seddexdii sano ee ugu dambeysay.

Habaarka ayaa sii socday xalay markii Barcelona ay guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay kooxda tababare Zinedine Zidane.

Messi hadda wax gool ah ama caawin ah malahan shantii kulan ee ugu dambeysay oo uu wajahay Real Madrid. Wuxuu seegay kulankii ugu horreeyay ee El Clasico ee xilligii Cristiano Ronaldo kadib 2018, dhaawac dartiis.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa dhaliyay 20 gool 34 kulan oo uu ka horyimid Barcelona, ​​laakiin markii ugu horreysay iyo waqtiga kaliya ee uu shabaqa ka soo taabto Catalans ee Champions League waxay aheyd bishii December ee la soo dhaafay markii uu dhaliyay labo gool kulankii ay Juventus 3-0 kaga badisay Blaugrana. heerka group-yada.

Cristiano Ronaldo ayaa arki doona qandaraaskiisa Juventus oo dhacaya June 2022, laakiin waxaa jira warar sheegaya inuu ku biiri karo PSG ama uu ku laaban karo Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Messi ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu ka tagayo Barcelona madaama heshiiska uu kula joogo kooxda ka dhisan La Liga uu dhacayo xagaaga.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan