Home / Arrimaha Bulshada / Habdho dhaqaale fiican ka sameeya digaag ay ku xannaaneeyaan Muqdisho

Habdho dhaqaale fiican ka sameeya digaag ay ku xannaaneeyaan Muqdisho

Najmo Cabdullaahi Qaanso iyo Ruqiyo Cabduqaadir Boono waa labo gabdhood oo isku bahaystay inay hal abuur ganacsi wada hirgeliyaan.

Habladhan dhalinyada ah waxay ku soo barbaareen dalka burburkii kadib. Heerkooda koobaad ee jaamacadda ayaa u dhamaaday. Waxay barteen cilmiga xannaanadaha xoolaha. Sanadkii 2019 ayay ku dhalatay inay hal abuur ganacsi ka furan magaalada Muqdisho.

Wada-tashi iyo rogrogid badan kadib waxay isku raaceen inay digaag ka ukumo badna midka dalkeena dibadda ka soo dhoofsadaan. Sanad kadib dabo-yaaqadii 2020, waxay ku guuleysteen mashruucoodii. 1500 digaag dheddig ah ayay ku xannaaneeyaan guri ku yaala bannaanka Degmada Dayniile.

Inaan bilowdo ganacsi maha hawl fudud; waxaa ku meegaarsan arrimo xiriirsan oo qof ka hor istaagi karta inuu ku dhiirado. Helidda fekrad cusub oo laga macaashi karo, degaan ku habboon ganacsigaaga, dadkii dhaqaajin lahaa iyo dhaqaalaha maal-gelin waa culeysyada ugu horreeya ee imaan kara.

Halkan waa kala reebta aysan u soo wada ban bixin hal abuurayaasha ku taamaya bud dhigidda fekradahooda ganacsi. Najmo iyo Ruqiyo way ka gudbeen caqabadahaas, waxayna filashadoodu tahay inay sii horumariyaan  ganacsigooda bilowga ah ee diggaagga.

Muddo sannad ah oo ay shaqada wadeen waxay sheegeen inay dhammaan soo celiyaan wixii qarash galay mashruuca.

Tiro u dhaxeysa 140-1500 oo ukumo ah ayay  inoo sheegeen aasaasayaasha inay maalinle ugu suuq geeyaan , suuqyada magalaada Muqdisho. Marka laga tago Najmo iyo Ruqiyo afar qof oo kale ayaa mashruucan shaqo abuur wax ka beddelay noloshooda ka helay kuwaas oo qabta shaqooyin kala duwan.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan