Home / Habka-Nolosha / Habeen kale iyo Degmada Waaberi, Hanashada tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir

Habeen kale iyo Degmada Waaberi, Hanashada tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho – Jawi qurux badan ayay ku bilaabatay kuna soo idlaatay cayaartii kama danbeysta tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxda qaranka ee goob-joogga ahaa iyo shacabkii daawanayay marka laga soo tago waxa ay cayaartu aheyd mid saameysay malaayiin soomaaliya oo kala jooga daafaha dunida kuwaas oo badankood kala soctay TV-yada Dalka, waxa xiisaha gaarka u yeelayay ayaana ah in xilli habeen ah sanado xiriir ah lagu qabto cayaaro kama danbeys ah oo kumanaan qofoodna toos u joogaan garoonka Magaalada Muqdisho.

Si kasta, sanadkii labaad oo xiriir ah Waaberi ayaa loo Caleemo saaray Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir kaddib markii ay gool qura uga badisay Shibis.

Qeybta hore ee ciyaarta ayay la timid goolka madida ah oo ay Waaberi ku qaaday Koobka Degmadaan is muujisay.

Waaberi oo Finalka ka dhigatay hoygeeda ayaa xalay mar kale difaacatay tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir maadaama ay sanaddii hore la hoyatay.

Taageerayaal qiireysan ayaa u gurbaan tumayay Waaberi oo isla koobkan sanadkii hore xilli habeen ah ka qaaday D/Hodan, xalayna tiiyoo kale ku dhigtay Shibis.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo cayaarta daawanayay ayaa Waaberi guddoonsiiyay koobka Degmooyianka.

Dhanka kale abaal-marino kala duwan ayaa lagu bixiyay gudaha garoonka kaddib dhammaadka cayaartii soo wada jiidatay malaayiin soomaliya oo xiiseeya kubadda cagta.

Koobka Degmooyinka, kaalinta koowaad Demada Waabari. Kaalinta Labaad  Degmada Shibis halka Seddexaadna ay iskeentay Degmada Hodan.

Gool dhallinta tartanka waxa qaaday Saadaq Cusmaan, oo ka tirsan D/Waabari

Macallinka ugu wanaagsan tartanka C/laahi Laash, oo hoggaamiya D/Shibis

Goolhayaha ugu fiican  tartanka Sakariye  oo ka tirsan D/Waabari

Xiddiga ugu fiicantartanka waa C/qani  oo ka tirsan Shibis

Abaal-marinta Degmada cayaar wanaagga islamarkaana ugu taageeraha badneed tartanka waxaa la guddoonsiiyay degmada Kaaraan

Waa sanaddii labaad oo xiriir ah oo tartankaan la qabanayo xilli habeen ah, Waaberi ayaana ah degmada keliya ee xilli habeen ah aan lagu heysan tan iyo qaran jabkii kaddib tartankaan oo ay ka qeyb galeen 17 degmo ee gobolka Banaadir.

 

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. It’s a shane you don’t have a donate button! I’d definitely donate to thi fantastic
    blog! I guess for now i’ll settle for bookmarking and adding your RSS feed
    to my Google account. I look forward to fresh updates and
    will share this blog with my Facebook group. Chat soon!

    My web page; https://sites.Google.com/view/start-playing-online-casino

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan