Home / Macluumaad / Halista dabka ee Suuqyadeenna

Halista dabka ee Suuqyadeenna

Himilo – Dabka oo ah shey addoomuhu ka magangalaan Alle Adduun iyo Aakhiraba, waxa uu ka sameysmaa kulanka seddaxda xaglood ee Kulka, Shiidaal (Dhuxul, Gaas, iwm) iyo Neefta Oksijiinta. Waxa uu leeyahay noocyo gaaraya illaa shan waxaase caan ka ah dalkeenna kuwa ka dhasha dhirta (Warqadaha, Dhuxusha iyo Alwaaxda), Dareeraha holca sida Batroolka iyo korntada.

Waxa uu bini’aadamka u leeyahay faa’iidooyin dhowra sida inuu ku bisleysto cunnada, xilliyada qabowbaha ah ka helo diirimaad, ku qaabeeyo biraha si looga dhigo kuwa istismaal gala, ku dhalaaliyo macdanka sida dahabka ay xirtaan dumarka, IWM.

Markase laga yimaado faa’iidooyinkaasi, waxa uu sababaa masiibooyin kasoo kabsashadoodu ay qaadato sanado dhowr ah iyo kuwa aananba laga kabsan, bulashadeenuse halistiisa kuma baarugin weli!. Masiibooyinka dabka ka dhashaa waxaa ay si gaar ah ugu habsadaan suuqyada dalka, tusaalle Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu wayne dalka, sanad gudihii ayuu gubtay in ka badan seddax jeer.

Sida ku xusan buugga halisaha dabka ee uu qoray Bare Maxamed Xasan Cusmaan, muddo 26-jeer ah ayuu gubtay suuqa laga soo billaabo 1995-kii, sanadkaasi oo uu ka kacay dab baabi’iyay laba dalool dalood ka mid ah hantidii taalay suuqa.

Seddax sano kahor, 10-kii bishii Janaayo sanadkii 2019-kii, dab xilli fiid ah ka kacay qeybta lagu iibiyo Huudheyda (dharka isticmaalka ah) ee suuqa bakaaraha, ayaa dhulka dhigay qeybaha Maacuunta, hilib ariga iyo raashinka.

Inkasto waaxda dab-damiska dowladda hoose ee Xamar oo kaalin ku lahayd dabinta dabkaasi aysan sheegin inta ay la’eg tahay hantida burburtay, haddana mid ka mid ah gancasatada khasaaruhu kasoo gaaray ayaa warbaahinta u sheegay in hanti dhan $40-kun oo u taalay seddax dukaan oo uu lahaa uu ka ceyrtoobay.

Isla suuqa Bakaaraha qeybtiisa Khaliifa, dab sabsaday billawgii 2017-kii, waxa uu dhulka dhigay ku dhawaad kun dukaan, iyada oo ay ku burburtay hanti ku dhaw $100 milyan, waxaana ku geeriyooday laba ganacsade, sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Dhibku kuma koobna oo kaliya suuqa Baraakaha ee waxaa sidoo kale in ka badan 30-jeer gubtay suuqyada Xamar Weyne, Madiina, Boocle, iyo bacaad oo wehliya suuqyada kale ee ku yaalla magaalooyinka Soomaalida, waxaana u danbeeyay Suuqa Wayn ee magaalada Hargeysa ee Waaheen oo xalay uu qabsaday dab xoogan.

In ka badan 12 saac ayey qaadatay in bakhtiijiyo badi dhismayaashii gubanayay, wadooyinka suuqa oo ciriiri ahaa ayaana sababay in gawaarida dab-damiska ay si fudud u geli waayeen gudaha suuqan oo ay taalay hanti ka badan tan suuqii hore ee magaalada.

C/kariin Mooge duqa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in tirakoobka hor dhaca ah ee soo baxay uu muujinayo in hanti u dhaxeysa $1.5 illaa $2-bilyan inuu baabi’iyay dabkii qabsaday suuqa Waaheen.

Badi dabka ka kaca suuqyada waxay ka dhashaan dhuxul aanan la baqtiijin, feero lagaga tagay dabka iyo koronto, markii uu holocu is qabsado oo uu fidana waxaa adkaata in durbadiisa la damiyo, sabab la xiriirta gawaarida gurmadka oo soo daaha iyo wadooyinka suuqyada oo aan waasac ahayn.

Waxaa xaalka sii adkeeya fiiloolinya korontada oo marka uu dabka gaaro kaalin ka qaata inuu faafo oo uu gaaro dukaamo hor leh iyo inta badan suuqyada waa wayn ee magaalooyinka soomaalida oo aan lahayn gawaari dab-damis oo u gaar ah, kuwaasi oo haddii la heli lahaa masiibooyinka qaarkood la xakameyn kari lahaa.

Ganacsatada ku hanti beesha dabka ka kaca suuqyada ma helaan wax ceymisa marka laga reebo qaaraan ay u uruuriyaan qoysaskooda amaba asxaabtooda, kaasi oo u suura geliya inay marka dib u billaabaan ganacsigooda.

La’aanshiyaha gawaari dab damis oo u gaar ah suuqyada, korontada aan la marin dhulka hoostiisa iyo ceymis la’aantuba waxey horseedeen in dabku burburiyo hanti ballaaran oo uu sanad welibana ceyrteeyo ganacsato Soomaaliyeed oo canshuur bixiyeyaal ah.

Qoraha dhiganaha Halista Dabka, ayaa qaba inay tahay in bulshada la baro halista uu leeyahay dabka, suuqyada loo yeelo wadooyin waasac ah, la helo neefaha sida ku meel gaarka u damin kara dabka si uusan u fifin, koronta la damiyo xilli roobeedka lagana illaaliyo gawaarida xamuulka oo jari kara.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan