Himilo – Cuntooyinka sida aad ah looga isticmaalo guryaha soomaalida inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee soon, waxaa ka mid ah Sanbuuska, burka iyo kuwa kale ee lagu shiilo saliidda.
Sameyntooda waxaa ku baxa qarash iyo waqti badan, iyada oo haweenku ku qasban yihiin in diyaarintooda billaabaan barqadii si ay u dhameystaan inta aan la gaarin xilliga afurka.
Kaddib biyaha amaba timirta lagu afuro, caadiyan dadka sooman ee soomaalida ah waxey jecel yihiin inay ku af-billawdo sanbuuska, burka iyo kuwa kale ee shiilan ee la diyaariyay, waase halis aanan lagu baraarugsaneyn.
Waxaa cuntooyinkan ay sababaan xanuunka Gaaska ee ku dhaca dahaarka amaba xuubka caloosha iyo tubbada cunna-mareenka, sida uu sheegay Dr Maxamed Xasan Nuur oo ku takhasusay Dheefshiiska iyo hunguri-mareenka.
“Calaamadaha lalabada, mataga iyo bog xanuun oo ay ka cawdaan inta badan dadka sooman waxaa sabab u ah cuntooyinka shiilan oo ay ku af-billawdaan.” ayuu sii raaciyay Dr Maxamed.
Si ay caafimaad ugu soomaan, Dr Maxamed Xasan waxa uu ku taliyay in ruuxa uu ka fogaado cuntooyinka lagu shiilo saliidda, kuwa leh dufanta iyo kuwa basbaaska leh.
Khubarada caafimaadka ayaa sidoo kale ku taliya in laga dheeraado isticmaalka sokorta badan, shaaxa, kofeeyga (oo leh maadada Caffeine) iyo cabitaannada leh acid-ka.
Waxaana loogula taliyaa dadka ka cabanaya xanuunka Gaaska iyo kan kale ee sooman ee ka taxadarraya caafimaadkooda inay ku afuraan cunooyinka aan culeyneynin dheefshiidka sida timirta, mooska, kuwa leh carbohydrate iyo cabitaannada laga heli karo maadada potassium.