Home / Aragtida Islamka / Halkan ka aqriso Hogaamiyeyaashii Xamaas ee Yuhuuddu dishay.

Halkan ka aqriso Hogaamiyeyaashii Xamaas ee Yuhuuddu dishay.

Himilo – Alle ha u naxariistee dilkii ay Israel u gaysatay Ismaciil Haniyeh, hogaamiyihii siyaasada ee Hamaz waxa uu noqday mid ay si weyn uga argagaxeen muslimiinta caalam-ka.

Haniyeh ma ahan sarkaalkii ugu horeeye ee Israel ka disho kooxda iskacaabinta falastiiniyiinta balse waxa uu qeyb ka noqonayaa saraakiil sarsare oo duqeymo lagu dilay,

Hadabada halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa madaxda falastiiniyiinta ah ee Israel ay dishay:

January 1996: Israa’iil waxay ku dishay Marinka Gaza Xamaas Yaxya Cayaash oo ahaa hoggaamiyihii militariga ee kooxda.

March 2004: Hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Xamaas iyo aasaasihii Sheekh Axmed Yaasiin ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay marinka Gaza.

April 2004: Cabdicasiis Al-Rantisi mid ka mid ah aasaasayaashii ururkan ayaa lagu dilay gantaal helikobter laga tuuray oo ku dhacay Gaza.

January 2024: Sarkaal sare oo ka tirsan ururkan, Saalax All-Arouri ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ka fuliyeen Baytuut.

July 2024: Ismaaciil Haniyeh, madaxa siyaasadda ee Xamaas, ayaa lagu dilay caasimadda Iiraan ee Tehran.

Ismail Haniyeh alle ha u naxariistee waxaa lafilayaa in lagu aaso magaalada Doha ee dalka Qatar.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan