Himilo – Xirashada gafuur xirka waxey yareeysaa faafidda feyruska karona, isaga oo kaa difaacaya inay kusoo gaaraan dhibcaha kasoo baxaya ruuxa qaba Covid-19 marka uu qufaco, hindhiso amaba hadlo. Adiga qudhaadana waxaa kaa badbaadaya dadka kale.
Af-saabka sida hagaagsan loo xirtaa waxa uu daboolaa Afka iyo Sanka, kuwaas oo ah labada barood ee ugu waa way nee la xaqiiqay ee xudunta u ah faafidda coronavirus,sida ay daabacday BBC-da.
Waxaa habboon inaad ku xirato marka aad raaceyso gaadiidka dadweynaha, joogto suuqyada ganacsiga, goobaha lagu shaaxo/ cunteeyo, Bankiyada, Masaajidda iyo goobaha kale ee dadku ku badan yihiin.
Khubarada caafimaadka ayaa ka diga xirashada af-saabka dhaawaca leh amaba jeexan, in la wadaago gafuur xirka amaba la taabto qeybta sare ee ku aadan sanka.