Wiilka qadka dhexe uga cayaara kooxda kubadda cagta Napoli iyo xulka qaranka Slovakia Marek Hamsik ayaa beeniyay wararka tibaaxayay in kooxda kubadda cagta Bayern Munich ay dalab usoo bandhigtay oo heshiis qaali ah ugu yaboohday.
Hogaamiyahan ayaa dhowrkii xagaa ee soo gudbay ahaa wiil laf dhabar u ah kooxda Napoli, waxaase lala xiriirinayay kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool.
Hamsik oo kasoo laabatay gudashada waajibaadka qaran ayaa carabaabay inuu rajeynayo inuu waqti fog kooxdan lasii joogo, isagoo ku haminaya in xirfadiisa kubadda cagta kooxdan kusoo gebagabeeyo, wuuna dooriyay wararka tilmaamaya inuu u dhaqaaqayo Allianz Arena.
“Wanaag ayaan ku dareemayaa Napoli, waxaana ku fekerayaa inaan halkaa kusoo gegagabeeyo xirfadeyda kubadda cagta. Haatan keliya waxa muhiimka ah ayaa noqonaya sida kooxdu fal celin u sameyso.” Hamsik ayaa sidaa saxaafadda la wadaagay.
Xiddigan qadka dhexe maareeya ayaana 319 kulan u saftay kooxda Napoli tan iyo markii uu kaga soo dhaqaaqay Brescia sanadkii 2007.