Muqdisho – Hana-qaadka Arsenal ee Reiss Nelson ayaa waxaa ceyrsanaya kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid, sida ay sheegtay Daily Mail.
18-jirkan ayuu heshiiskiisu dhacayaa sanadka soo aaddan, hayeeshee laacibkan ayaa la’aamin-sanyahay in uu doonayo inuu waqti kusii qaado garoonka kooxda ee Emirates Stadium, isla markaana naadiga Arsenal qudheeda ayaa diiradda saareysa sidii ay kusii ceshan laheyd xiddigan dhalin-yarada ah kuna wanaagsan difaaca bidixe.
Kooxaha tunka weyn ee PSG iyo Madrid ayaa doonaya in ay soo xera galiyaan xiddigan, halka kooxaha waaweyn ee England ay qudhoodu xiiseynayaa da’yarkan.
Radio Himilo
