Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham Hostpur ayaa doonaya in macallin Mauricio Pochettino uu muddo fog ku sii sugnaado gegada White Hart Lane oo ay ku dheesho kooxda Spurs.
Pochettino oo 44 jir ah ayaa 2014 ka soo dhaqaaqay Southampton si uu ugu soo biiro kooxdan Waqooyiga London ka dhisan oo uu ka yeelay mid u tartameysa xagaagan hanashada horyaalka Ingiriiska.
Lix kulan ayaa horyaalka ka harsan, kooxda booska labaad fadhisa ee Tottenham ayaana hogaamiyaasha ka hooseysa toddobo dhibcood.
“Waa tababare sare, waxaadna dooneysaa in kooxdaada ay joogaan macallimiinta dunida ugu wanaagsan,” Kane ayaa sidaa u sheegay Sky Sports News.
Marka xagaagan uu dhamaado Pochettino waxaa u sii hari doona saddex sano oo kaga dhiman qandaraaska uu kula joogo Tottenham Hotspur.