Home / Cayaaro / Harry Kane oo u dhaqaaqi kara koox ka dhisan Talyaaniga

Harry Kane oo u dhaqaaqi kara koox ka dhisan Talyaaniga

Himilo – Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhaqaaqi karo kooxda Juventus haddii ay la timaado dalab ku saabsan saxiixiisa.

Inkasta oo uu heysto qandaraas uu ku sii joogi karo kooxda ka dhisan Waqooyiga London illaa 2024-ka haddana Kane waxa uu u muuqdaa in uu doonayo isbadal cusub.

Kooxo badan ayaa xiiseynaya cayaaryahanka oo ay ku jirto Juventus oo beddal u raadineysa cayaaryahanka Gonzalo Higuain.

Marka la eego Tuttosport, hoggaamiyaasha Serie A ayaa u arka laacibka 26 jirka ah dooqooda koowaad oo ay bartilmaameysanayaan suuq furanka soo socda.

Inkasta oo Manchester United xiiseynayso Kane haddana warbixinnada ayaa qeexaya in laacibka Ingiriiska u furan yahay u dhaqaaqista Talyaaniga.

Kane ayaa dhaliyay 181 gool, 278 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil intii uu joogay Spurs.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan