Home / Haweenka / Haweenay geeriyootay iyada oo ka qeyb galaysa tartan ku saabsan cunnista buskut

Haweenay geeriyootay iyada oo ka qeyb galaysa tartan ku saabsan cunnista buskut

Himilo – Haweenay u dhalatay Australia ayaa geeriyootay iyada oo ka qeyb galaysa tartan dhaqameedka gaarka ah ee cunnista buskutka magaalada Harvey Bay ee dalkaasi.

Bogga News 9 ayaa soo wariyay dhacdada intii lagu guda jiray dabaal degyada qaranka ee Australia oo sida caadada ah la qabto tartano kala duwan sida tartanka cunnista buskutka.

Haweenayda 60 jirka ah ayaa la tilmaamay inay geeriyootay markii ay cuntay xad badan oo kackac iyo buskut ah.

Australia, marka la joogo dabaal degyada qaranka iyo munaasabadaha gaarka ah, waxaa la qabtaa tartano xiiso leh oo badankood ku saabsan dhaqanka cunto ee dalka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan