Himilo – Waxey ahayd xilli dadka oo idil u deg-degayaan shaqo amaba Waxbarasho, markii mid ka mid ah dadkii ku safray Tareen koofur-bari london ay si kadis ah uga degatay gaariga kana tagtay cunugeeda.
Haweeneeyda, cunugeeda iyo rakaab kale ayaa ku safrayay tareen kasoo anbabaxay Victoria kuna sii jeeday Dartford.
Markii ay xusuusatay waxa dhacay ayey durbadiiba waxey wacday xarunta tareenada laga raaco ee south eastern, markaas oo ay u sheegtay wax qabsaday.
Rakaabkii tareenka saarnaa oo qaarkood la yaabay ilawshiyaha haweeneeydaasi, ayaa cunuga yar geeyay goob laga raaco tareenada halkaas oo uu ka qaaday tareen kale si loola mideeyo hooyadii.
Muddo shan daqiiqo ah oo ay kala maqnaayeen kaddibna awey midoobeen.