Himilo – 27-jir ku nool magaalada Thane ee galbeedka dalka India ayaa dacwad kusoo oogtay seygeeda kaddib markii uu ka qariyay inuu leeyahay bidaar, sida uu daabacay Gulfnews.
Kailash Barve oo ah askari ka tirsan saldhigga boliiska Naya Nagar ee diiwaan galiyay dacwadda, ayaa sheegay in haweeneydu ku doodeyso in xaajigeedu khiyaamay. Qoyska odaygeeda ayey ku eedeysay qudhooda inay ka qariyeen in wiilkoodu bidaar leeyahay.
Waxey sheegtay inay adkeed in la ogooda xaaladda madaxiisa uu ku sugan yahay maadaama uu xirnaa timo macmal ah. Waxey raacisay “ma guursan lahayn laba sanno kahor haddii aan ogaan lahaa inuu bidaar leeyahay”.
Waxey ogaatay in seygeedu bidaar leeyahay maalin kadib guurkooda, markaas oo ay u cabatay sharciga balse la fududeystay arrintaasi, sida ay sheeganeyso.
Kaddib dacwadeeda, ninka qaba ayaa dhankiisa arji u qortay maxkamadda ku taala degaankooda Thane, waxeyse maxkamaddu ka dalbatay inuu isdhiibo kahor inat aysan qaban boliiska.