Home / Macluumaad / Haweeneey u yeeratay boliiska si looga saaro Carsaanyo ku jirtay gurigeeda

Haweeneey u yeeratay boliiska si looga saaro Carsaanyo ku jirtay gurigeeda

Himilo – Boliiska Jermalka, ayaa dalab caawinaad ah ka helay haweeneey ku nool degaanka Unterlauchringen, taas oo ka baqatay carsaanyo badeed gashay gurigeeda.

Markii ay wacday boliiska ayey u sheegtay inay la yaaban tahay kana argagaxsan tahay Carsaanyo – nooca laga helo Shiinaha ah– dhirirkeedu yahay 10-inch leh sideed lugood, kuna jirta gurigeeda.

Boliiska oo u diray askar, ayaa ka saaray guriga, iyaga oo geeyay cayayaankan lagu tiro kuwa aanan laf dhabarta lahayn goob lagu daryeelo xayawaanada.

Waxey sheegeen saraakiishu, in Carsaanyada la helay ay tahay kuwa duullaanka ah ee ku nool wabiyada Jermalka, balse ay tahay markii ugu horreeysay ee lagu arko koofur-galbeed Jermalka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan