Home / Macluumaad / Haweeney 106-jir ah oo guursatay nin 66-jir ah

Haweeney 106-jir ah oo guursatay nin 66-jir ah

Muqdisho – Haweeney duq ah oo ku nool Brazil, taas oo aan waligeed guur galin ayaa farxad la dheelaastay kadib markii ay heshay lamaanihii ugu horreeyey nolosheeda.

Haweeneydan jirta 106 sano oo ku nool Pirassununga ayaa la rumeysan yahay inay tahay haweeneydii ugu cimriga dheereyd taariikhda la hayo oo dadab-gasha.

Valdemira Rodrigues de Oliveira waxay ku faraxsan tahay inay guri la yagleesho jaceylkeeda Aparecido Dias Jacob. oo 66-jir ah.

haneen

Lamaanahan ayaa saddax sano kahor isku arkay Nossa Senhora Fatima oo ah aqalka ay ku kulmaan dadka howlgabka noqda.

Oliveira ayaa tilmaamay inay kalgacal dhab ah iyo jaceyl mug leh ay u heyso dhiggeeda Jacob oo haddii uu ka geeriyoodo ay iyaduna ka daba dhimanayso. Jacob wuxuu isna dhankiisa ka hubsaday inuu si dhab ah u jeclaaday Oliveira aragtidii ugu horreysay ee uu indhaha saaro.

Jacob wuxuu tilmaamay in kala sarreynta da’du aysan mar kastaba isaga u ahayn muhiimad maadaama uu farxad iyo jaceyl ka helay gacalisadiisa dhali karta laba jeer in ka badan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay isku arkeen lamaanaha oo waqti badan isla fadhiista – waxna wada cuna.

Laakiin Jacob iyo afadiisa Oliveira ayaan waligood hadda kahor guur soo marin.

Dhaqaatiirta ayaana rumeysan in lamaanahani aysan sii wadan karin nolosha caadiga ah waxayna usoo jeediyeen inay ku sugnaadaan aqalka lagu karantiilo dadka howl-gabka noqda iyaga oo is-qaba.

Lamaanahan ayaa sameystay xaflad ay kasoo qeyb-galeen marti sharaf ka badan 150 qof.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan