Himilo – Haweeney u dhalatay dalka Turkiga (Nafeya Jazz) ayaa xirneyd dhar gaduudan muddo 67 sano ah, ka dib riyo ay ku riyootay iyadoo yar.
Jaz, 77 jir ah, waxay degan yahay tuulada Gozgulu ee gobolka Bingol (bari), waxayna leeyahay 11 carruur ah iyo 23 ay sii dhaleen oo ay ayeeyo u tahay.
Wareysi ay siisay wakaaladda Anadolu, Nafia ayaa sheegtay in iyadoo toban jir ah ay riyo ku aragtay nin oday ah oo gar leh, kaasoo ka codsaday inay xirato dhar cas nolosheeda oo dhan.
Waxay ka warrantay in tan iyo waagaas ay xirneyd dhar cas, awoowgeedna uu siin jiray dhar cas. Waxay tilmaantay in gabadheeda, oo ku nool Austria, ay si joogto ah u soo dirto dharkeeda cas.
Waxay sharraxday inay ka go’an tahay inay xirato dharka cas ilaa maalinta ugu dambeysa nolosheeda, sidoo kalena ay rabto in gogosheeda noqdo casaan.
Dhanka kale, ninkeeda, Hikmat Jazz, ayaa sheegay in xaaskiisa ay jeceshahay dharka cas, oo uu u soo iibiyo dharkeeda midabkan.