Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney 70 jir ah oo dhashay canugeedii ugu horreeyay

Haweeney 70 jir ah oo dhashay canugeedii ugu horreeyay

Himilo – Haweeney u dhalatay dalka Hindiya ayaa cunuggeedii ugu horreeyay ku dhashay da’da 70 jir ah, taasi oo ka dhigtay mid kamid ah hooyooyinka ugu da’da weyn ee ku curta ubadkoodii ugu horreeyay.

Jivunben Rabari iyo seygeeda Maldhari, oo 75 jir ah, ayaa si farxadi leh u tustay wiilkooda – oo aysan magaciisa shaacin – saxafiyiinta ayaa sheegay in lagu sameeyay bacrimin aartifishal.

Warbaahinta ayaa baahisay muuqaalo iyo sawirro muujinaya haweeneyda 70-jirka ah oo gacanta ku haysa cunugga iyo seygeeda oo dhinac fadhiya iyagaa oo ku jira isbitaal ku yaalla Hindiya.

Jevonbin Rabari iyo Maldari – oo ka yimid tuulo yar oo la yiraahdo Mora oo ku taal gobolka Gujarat ee Hindiya – ayaa is qabay 45 sanno, waxayna isku dayeen inay ilmo dhalaan intii ay wada joogeen, laakiin way u suurageli weysay, balse waxaa la adeegsaday  bacrimin aartifishal ah si ay uga caawiso taranka.

Dr Bhanushali ayaa yiri: ‘Markii ugu horreysay ee ay noo yimaadeen, waxaan u sheegnay inaysan ilmo ku dhalin karin da’ weyn, laakiin way ku adkeysteen.

‘Waxay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah xubnaha qoyskooda ay sidoo kale sameeyeen. Kani waa mid ka mid ah kiisaska dhifka ah ee aan waligay arkay. ‘

Wargeyska “Daily Mail” ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in haweeneyda Hindida ah ay ilmaheedii ugu horreeyey dhashay iyadoo toddobaatan jir ah, waana mid ka mid ah kiisaska naadirka ah, sida ku cad qoraalka dhakhtarka ee wargeyska.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. cialis coupon An early event in the pyroptotic process is the upregulation of caspase 11 induced by extracellular LPS, a process mediated by TLR4 and its downstream adaptor TRIF Rathinam et al

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan