Home / Macluumaad / Haweeney caloosheeda laga helay 57 baakad oo daroogo ah oo la xiray

Haweeney caloosheeda laga helay 57 baakad oo daroogo ah oo la xiray

Muqdisho – Haweeney ayaa loola kacay dhinaca isbitaalka kadib markii mashiinka baaritaanka ee gegida diyaaradda uu shaki ka muujiyay walxo ku jiray caloosheeda.

32-jirta lagu magacaabo Luliia Makushova ayaa la xiray kadib markii tuhun ay ka muujiyeen saraakiil ku sugan garoonka Suvarnabhumi Airport ee Thailand.

Markii ay gashay qeybta baarista garoonka, ciidanka ayaa go’aansaday inay mariyaan raajada X-ray Scan waxayna heleen inay caloosheeda ku qarinaysay daroogo.

Waxaa loo qaaday isbitaal ku dhow gegida diyaaradaha halkaas oo boolisku ku hayeen kormeer joogto ah.

Dhaqaatiirta ayaa hadaba dadaal dheer kadib oo muddo shan cisho ah ku qaatay Makushova in looga soo saaro daroogada ku jirta caloosheeda ku guuleystay.

Booliska ayaa ugu danbeyntii 57 baakado daroogo ah oo laga helay caloosha haweeneydan gacanta ku dhigay. Kokainta ayaa ah 650 gram.

Marka loo eego baaritaanka booliska, Makushova waxay sheegtay in la siiyay lacag dhan 3,500$ si daroogadan Kokainta ah oo ay kasoo qaaday Brazil usoo geliso Thailand.

Si kastaba, waxaa lagu riday danbi ah inay si sharci-darro ah dalka usoo gelin rabtay maandooriye halis ah.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan