Home / Macluumaad / Haweeney dhaawac ku yimid maxkamad ula tiigsaneysa maqaayad ay ku eedeysay

Haweeney dhaawac ku yimid maxkamad ula tiigsaneysa maqaayad ay ku eedeysay

Muqdisho – Haweeney ayaa waxaa dhaawac soo gaaray kadib markii ay kasoo dhacday taallo dameer xilliga ay sawir iskaga qaadeysay dushiisa, marka loo eego dukumentiga ay heshay maxkamadda Florida.

Kimberly Bonn oo ku nool Tallahassee waxay dacwad ka gudbinaysaa El Jalisco Southwood Mexican restaurant iyada oo ku eedeynaysa inay qaladkooda ahayd ka dhicista taallada dameerka taas oo soo gaarsiisay jabniin laf-dhabarta hoose ah.

Marka loo eego Bonn, waxay casho ka cuntay maqaayadda fiid hore markii ay dhameysatayna waxay ku booday taallada si ay iskugu sawirto.

Bonn ayaa ku andacooneysa in maqaayaddu ay macmiisheeda ku dhiirri-geliso inay isku sawiraan taallada. Markii ay isku sawir maagtayna way kasoo dhacday.

Waxaana soo gaaray dhaawacyo dhowr ah oo jab ku yimid qeybta danbe ee laf-dhabarta uu kamid yahay.

Waxay ku eedeysay maqaayadda dayacnaan iyo beylihid maadaama aysan ku dhejin xeerarka badbaada taallada agteeda. Waxayna ka rabtaa inay mgadhow u siiyaan 15,000 oo Doolar oo ay sii dheer tahay bixinta lacagta dacwada maxkamadda iyo xeer ilaaliyaha.

 

 

 

About radio himilo

3 comments

  1. Kill dormant senescent cancer cells Fisetin 27, piperlongumine 28, intravenous solamargine 14 priligy dapoxetina 30mg nos eua

  2. Diet, nutrition, physical activity and colorectal cancer cytotec generic brand Tizanidine Tizanidine The risk or severity of QTc prolongation can be increased when Digoxin is combined with Tizanidine

  3. clomid nz buy If your senior loved one experiences severe symptoms such as difficulty breathing, high fever, or blue lips or fingernails, you should seek emergency treatment or dial 9 1 1

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan