Himilo – Mid kamid ah layaabyada furriinka dunida ayaa laga soo weriyay dalka Hindiya, kaddib markii haweeney Muslim ah ay maxkamadda sharciga ka dalbatay furriin, iyada oo ku sababeysay arrinkan in seygeedu uu aad u jecel yahay.
Hwaeeneydan la magac dhabin oo kasoo jeeda degmada Sambhal ee dalka Hindiya ayaa maxkamadda Sambhal ka codsatay in ninkeeda laga furo, kaasi oo la nooleyd keliya muddo 18 maalmood ah.
“Isagu iguma qeyliyo, xittaa ma ii muujiyo wax carro ah, mar kasta oo aan sameeyo khalad isaga wuu i cafiyaa. Xittaa waxa uu ii kariyaa cunnada isla markaana hagaajinta guriga ayuu qeyb igala yahay,” ayay tiri haweeneyda
Sida ay werisay warsidaha maxalliga Hindiya ee Dainik Jagran, haweeneydu waxay dhowr mar isku dayday codsigaan balse goobo badan oo ay tagtay waxay kala kulmeysay diidmo ah in aan laga aqbalin codsigeeda.
Tani ma ahan markii ugu horreysay oo ay haweeney codsato furriin. Sannadkii lasoo dhaafay kiis sidaan oo kale ah ayaa laga soo weriyay dalka Imaaraadka.