Home / Habka-Nolosha / Haweeney go’aansatay inay jajabiso maacuunta gurigeeda

Haweeney go’aansatay inay jajabiso maacuunta gurigeeda

Himilo – Haweeney ka soo jeeda Indonesia ayay sheekadeedu guux ka dhex abuurtay baraha bulshada oo aad loogu wadaagay. Hadal haynteeda ayaa timid kadib markii muuqaal laga soo duubay iyadoo dibadda u tuureysa maacuunta gurigeeda.

Haweeneydan ayaa aad uga xanaaqday in ninkeeda uusan dhaqin saxamada iyo alaabta kale ee uu wax ku cuno. Iyadoo aad u qeylineysa ayay sheegtay inay go’aansatay inay koobabka iyo saxamada ay jajabiso dibadda uga tuurto guriga.

“Maxay tahay sababta aad wax walba meeshooda uga tagto marka aad cunidda dhammeysato. Maxaa qalad ah oo ku jira inaad dhaqdo weelasha aad wax ku cunto.” Sidaa ayay ku qortay qoraal ay soo dhigtay mid ka mid ah baraheeda.    

Hab dhaqanka ninkeeda ayay xustay inay aad ugu wareertay, bedelkii uu dhaqi lahaa saxamada waxay sheegtay inuu nadiifinta uga tago keligeed mar walba. Waxay intaa ku dartay in xitaa halka lagu dhaqo uusan geynin alaabta balse shay kasta uu uga tago miiska.

Talooyinka loo soo jeediyay qoyskan sheekadooda lagu wadaagay baraha bulshada waxaa ka mid ah inay caleenta mooska wax ku cunaan si ay uga badbaadaan inay arrin dhaqidda weelasha marar kale isku qabtaan.

Hawsha weelal dhaqidda dad badan siiba ragga waxay u tahay midaan xiiso gelinin ama ay ka xishoodaan ama ay ka santaan, balse in kale waxay ula muuqataa mid ay wanaagsan tahay in haweenka lagu caawiso.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan