Home / Macluumaad / Haweeney gudaafad ka dhex heshay lacag dhan $180,000

Haweeney gudaafad ka dhex heshay lacag dhan $180,000

Muqdisho – Haweeney waayeel ah ayaa la argagaxday helidda boorso lacag ah oo ku jira gudaafad qashin oo dhinac taalla jidka, marka loo eego booliska Japan.

Booliska Daishoji ayaa sheegay in haweeneyda jirta 75 sano ay gacantooda kusoo wareejisay lacag dhan 20 milyan oo yen – una dhiganta $180,000 oo ah lacag ay ka heshay iyada oo ku jirta boorso dhinac taalla waddada.

Falka ayaa soo shaac-baxay maalintii Isniinta, haweeneyda da’da ah oo aan heybteeda la sheegin ayaa xustay inay maalin kasta dul timaado gudaafadaha si ay uga hesho walxo qiimo leh oo dadku soo nacaan.

Layaabse waxaa ku noqday markii ay dul timid boorso xiran oo furis dabadeed ay ku aragtay adduun lacageed tiro badan kuna duuduuban wargeys ka yimid sanadkii 2005-ta.

Tix-raaca lacagta ayaa loo badinayaa in lagala soo baxay bangiga Hokkoku Bank oo lagu arkay astaantiisa.

Haweeneyda ayaa durbadiiba aaday sal-dhigga booliska si ay ugu wareejiso boorsada lacagta. Hadda booliska ayaa baadi-goob ugu jira helidda milkiilaha boorsada.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan