Himilo – Haweeney geesi ah oo ka soo jeedda tuulada Badi Jhiriya ee Madhya Pradesh ayaa gacanteeda oo maran kula dagaalantay shabeel, ka dibna wiilkeeda daanka kaga dhagay. Haba yaraatee ma haysan wax hub ah oo ay isku difaacdo balse waxa ay dooratay in ay wakhtigaas iska indho tirto si ay wiilkeeda u badbaadsato.
Jacaylka hooyadu waa kan ugu saafisan uguna naf-hurka badan waxaanajira dagaal. Run ahaantii waxay nafteeda u biimaynaysaa ilmaheeda. Waxa la odhan karaa waa tii ay hooyadani samaysay markii ay ilmaheeda ka badbaadisay ciddiyihii shabeelka oo ay kula dagaalantay iyada oo aan hubaysnayn.
Haweeney ka tirsan qabiilka Baiga oo lagu magacaabo Kiran ayaa dab ag fadhiday iyada iyo saddex carruur ah oo ay dhashay si ay ugu diirimaadsadaan bannaanka aqalkooda. Laakin daqiiqado yar ayaa shabeel meel aan la aqoon uga yimid kaas oo daanka ka qabtay wiilkeedii Rahul oo uu la cararay.
Sida uu sheegay agaasimaha kaydka shabeelka YP Singh Kiran iyada oo aan ka fikirin laba jeer ayay u sheegtay labadeeda wiil in ay ku ekaadaan aqalka, isla markiiba waxa ay u soo carartay kaynta halkaas oo ay ku aragtay shabeelkii oo wiilkeeda ula baxay oo ay cayrsatay, laakiin shabeelku waxa uu ku gabaday duurka isaga oo ku qabtay ilmaha cidiyihiisa
Laakin Kiran ma niyad jabin oo waxa ay isku dayday in ay ul ku cayrsato shabeelka oo ay waliba qaylo dhaan ku diray.
“Shabeelka waxaa laga yaabaa inuu ka baqay geesinimada haweeneyda oo uu ka tagay cunuga. Iyadoo Kiran isla markiiba ku qaadatay wiilkeeda gacmaheeda, bahalkii ayaa soo weeraray. Si kastaba ha ahaatee, waxay ka awood roonaatay shabeelka iyada oo leh awooddeeda,” ayuu yiri sarkaalka.
Dadkii tuulada ayaa u yaacay goobtii ay Kiran ku sugnayd ka dib markii ay maqleen qaylo-dhaanta keentay in shabeelka uu ku dhuunto kaynta, balse uu ka tagay wiilkii. Falkan geesinimada leh, wuxuu la yimid nabarro. Wiilka ayaa dhaawac kasoo gaaray dhabarka, dhabannada iyo indhaha waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay hooyadiis.
xarunta caafimaadka aasaasiga ah wuxuu bixiyay gargaar degdeg ah oo Rs 1,000 ah. Waaxda kaynta ayaa bixin doonta dhammaan kharashaadka daawaynta.
Dad badan ayaa ku bogaadiyay Twitter-ka geesinimada haweeneydan ee ah inay la dagaalanto shabeel kaligeed , oo ay ku jiraan shaqaalaha waaxda kaynta iyo madaxa gobolka Shivraj Singh Chouhan.
W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud