Home / Macluumaad / Haweeney la faray inaysan garaacin albaab ama riixin ganbaleelka guryaha

Haweeney la faray inaysan garaacin albaab ama riixin ganbaleelka guryaha

Muqdisho – Haweeney ay ka qabatay inay guryaha albaabadooda garaacdo ama ay riixdo ganbaleelladooda ayaa la faray inaysan mar kale garaacin ama riixin ganbaleel, marka loo eego booliska UK.

Claire Bowden oo ku nool Shifnal waxaa dhowr jeer looga digay inay joojiso dhibaataynta dadka jaarka la ah.

Deriska ayaa si kastaba ku war-geliyay booliska in Bowden ay caadaysatay garaacista albaabadooda iyo inay sidoo kale riixdo ganbaleellada dhawaqyada u dira gudaha aqalladooda sabab la’aan.

Garsoorka ayaa hadaba soo saaray amar lagu faray inay joojiso dhibta ay ku heyso jiiraankeeda, hayeeshe markii ay ka dhega-adeygtay, Bowden waa la xiray.

Maxkamadda Telford County ayaa ku riday laba bilood oo xabsi ah. Hase ahaatee waxaa dib loo laalay xukunka markii ay Bowden sheegtay ina u hoggaansameyso amarrada la dul-dhigay.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan