Home / Madadaalo / Haweeney maxkamad u tageysa xaqiijinta inay nooshahay!

Haweeney maxkamad u tageysa xaqiijinta inay nooshahay!

Himilo – Haweeney  ku sugan faransiiska, waxay isku dayaysay inay dunida u caddeyso saddex sano inay nooshahay kaddib markii sannadkii 2017 la shaaciyay inay dhimatay.

Jeanne Pouchain oo 58 jir ah waxay sheegtay inay ku sugneyd cabsi joogto ah, waxay xustay inaysan ku dhiiran jirin inay gurigeeda oo ku yaalla Loire ay meel uga baxdo. xukunkeeda lagu sheegay dhimashadeeda ayaa si qaldan u dhacay.

Maxkamad ku taalla Lyon ayaa horey u sheegtay inay Jeanne dhimatay, wixii intaa ka dambeeyay waxaa loo haystay inay mootan tahay, balse waxaa jiray muran ku saabsan inaan la hayn shahaado caddeyneysa geerideeda.

Saddex sano kaddin maxkamad ayay u aaday inay caddeyso inay nooshahay. Dhibaatooyinka ay wajahday saddexdii sanno waxay ku sheegtay inaysan lahayn akoon, caymis caafimaad iyo wax aqoonsi ah.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan