Home / Macluumaad / Haweeney New Zealand u dhalatay oo 67 sano kaddib buug dib ugu celisay maktabad, muteysatayna ganaax adag

Haweeney New Zealand u dhalatay oo 67 sano kaddib buug dib ugu celisay maktabad, muteysatayna ganaax adag

Caadiyan haddii aad kasoo dib dhacdo waqtigii aad buug u celin laheyd Library ama Maktabadda buugaagta waxaad filan doontaa in ganaax lacageed dusha lagaaga rido.

Laakiin haweeney akhriste ah ayaa arrin mucjiso ah ku dhaqaaqday, markii Maktabad buugaag ay dib ugu celisay buug ay ka qaadatay 67 sano hortood.

Maktabadda buugaagta oo ku taal magaaladda Auckland ee dalka New Zealand ayaa ku riday haweeneyda ganaax dhan £11,755 oo u dhganta $24,605.

Haweeneyda akhristaha ah ayaa sanaddii 1948dii qaadatay buugga “Myths and Legends of Maoriland”.

Maallintii Khamiista aheyd ayay dib u soo celisay buugga, iyadoo weydiisay shaqsigii maktabadda joogay inta ay dhan tahay lacagta ganaaxa ah ee laga doonayo.

Waxaa kasoo wareegtay maallintii ay buugga qaadatay 24,605 maallin, sidaa awgeed maallintiiba hal dollar oo ganaax ah ayaa ku sii kordheysay xisaabteeda, waxaana laga doonayaa $24,605.

Zoe Cornelius oo Maktabbada buugaagta ka shaqeeya ayaa yiri “Waxay ii sheegtay in buugga ay qaadatay carruurnimadeedii, Akhrisatayna dhowr goor tobonaankii sanadood oo ay heysatay, ayna ku raaxeysatay akhrintiisa, waana wax na xiiso geliyay.”

Haweeneydan kolkii ay qaadaneysay buugga maadaama ay carruur aheyd, waa loo cafiyay lacagahaa, waxaana sabab u ahaa daacadnimada ay buugga u soo celisay 67 sanaddood kaddib, walow maallintiiba ganaax hal dollar ah uu ku dhacayay.

Dad badan ayaa codsanaya in buuggaag ay Maktabadda ka qaataan soona celiyeen waqti danbe oo tobaneeyo sano ay ka soo wareegto.

Waxaa la rumeysan yahay in haweeneydan ay booqasho qaarabadeeda ah ku gaartay Auckland ayna taa ku dhiirisay inay sii marto Maktabadda oo dib ay ugu celiso buuggan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan