Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney ogaaday caruusadda wiilkeeda inay tahay gabadheeda

Haweeney ogaaday caruusadda wiilkeeda inay tahay gabadheeda

Himilo – Haweeney ka qeyb galeysay xafladda meherka wiilkeeda ayaa madasha kala tagtay ilmo qoysay kaddib markii ay ogaatay in caruusadda ay tahay gabadheeda oo waa hore ka luntay. Dhacdadan waxay ka dhacday dalka Shiinaha gobolka Jiangsu

Hooyada markay timid goobta waxay fiirisay gabadha. Waxay ula ekaatay gabadh ka maqnayd. si shakigu uga baxo waalidkeeda ayay weydiisay inay dhaleen gabadha iyo inay soo korsadeen keliya.

Qoyska gabadha oo la yaabay su’aasha, waxay sheegeen inay sannado ka hor wadada dhinaceeda ka heleen kadib ay gabadhooda oo kale ay ka dhigteen.

Markii aroosaddu ay maqashay sheekada illin ayaa ka timid,  waxay dooneysay inay wax badan ka ogaato waalidkeeda. Waxay sheegtay in la kulanka hooyadeed ay uga farxad badan maalinteeda.

Waxaa billowday weji kale. Aroosaddu waxay ka warwarsaneyd guurka walaalkeed ka weyn balse oo hooyada ayaa sheegtay in carUuskaba ay soo korsatay keliya.

Haweeneyda waxay sheegtay inay wiilka soo korsatay kaddib markii ay lumisay dhammaan rajooyinkii dib u helidda gabadheeda oo ay raadineysay sannado badan.

Waxay intaa ku dartay in guurka lammaanaha aysan dhibaato ku imaanaynin sababto ah walaalo ma aha. Waxaa la sii dhameystiray xafladdii meherka iyadoo qoyska cusub oo la rajeeyay wanaag.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan