Muqdisho – Haweeney u dhalatay dalka Venezuela ayaa la qabtay xilli ay isku dayaysay inay boorsadeeda ku dhex qariso saaxiibkeed oo ku jiray xabsiga Puente Ayala. In kasta oo ay ku guuleysteen qorshahooda ugu horreyn, hadana ilaalida xabsiga ayaa tuhmay kadib markay arkeen haweeneydan oo la daala-dhacaysa jiidista boorsada.
25-jirta lagu magacaabo Antonieta Robles Souda ayaa timid xabsiga Ayala ee ku yaalla magaalada Barcelona ee dalka Venezuela toddobaadkii hore si ay usoo booqato seygeeda José Antonio Anzoátegui kaas oo lagu riday xukun ah 9 sanadood iyo 8 bil inuu ku qaato xabsiga kadib markii uu dhacay gaari.
Haweeneydan ayaa la timid gabadha ay isku dhaleen maxbuuskan iyo boorso weyn oo ay ku jireen dhar iyo walxo kale oo aan loo baahneyn siiba qofka habeen la seexanaya maxbuuskiisa.
Waxyar dadadeed, ilaalada ayaa hubsaday in Souda iyo Anzoátegui ay damacsan yihiin inay ka fakadaan xabsiga maalinta xigta.