Muqdisho – Haweeney ayaa dhumisay jaceylka nolosheeda iyo shaqadeedii fiicneyd kadib markii ay eersatay samafal ay sameysay.
Chinedu Chukwu, oo u dhalatay Nigeria, ayaa ku sugneyd beerta xanaanada duur-joogta oo ku taalla Abuja markii ay kula kulantay 45-jir lagu magacaabo Raphael Emmanson.
Emmanson ayaa Chukwe la wadaagay sheeko tiiraanyo leh oo ku saabsan sida uu kaga yimid Okigwe si uu u codsado Fiiso uu dibadda ugu socdaali karo.
Wuxuu u sharraxay inay sahaydu ku yaraatay oo uu la’yahay xittaa meel uu ku hoydo inta laga gaarayo maalinta xigta oo uu ka balansan yahay safaaradda.
Chukwe ayaa la murugootay xaaladda ninkan dibjirka ahi ku jiro waxayna go’aansatay inay gabaad ka siiso gurigeeda. Waxay ka dhaadhicisay seygeeda inuu Emmanson u oggolaado hal habeen inuu la baryo.
Si kastaba, markii uu seygu subaxdii jarmaaday, haweeneyda iyo Emmanson ayaa wada haray waxayna noqdeen saaxiibo dhow. Wuxuu ugu danbeyn ka dhaadhiciyay inay seygeeda iskaga tagto oo ay isaga kusoo wareegto.
Emmanson ayaa guur u bandhigay Chukwe oo ah marwo la qabo, wuxuu balan-qaad ahaan u siisay inuu dibadda dalxiis ahaan ugu qaadi doono marka ay isguursadaan.
Emmanson, ayaa sii waday inuu haweeneyda ka dhaadhiciyo inay shirkadda ay ka shaqeyso uga soo amaahato lacag dhan 1,430$, wayna ka aqbashay iyada oo gacantiisa kusoo sintay.
Markii Emmanson uu hadaba helay lacagta, wuuu ka dhuuntay – isaga oo niyad-jab aan laga kicin ku riday qalbiga Chukwe oo si fudud ku aamintay hadalladii uu ku beerdulucsanayay.
Markii ay u tagtay booliska, waxaa loo sheegay in shaqadeeda laga ceyriyay. Balse dhowr bilood kadib, booliska ayaa awooday inay gartaan heybta Emmanson.
Tani waa markii ay cadaatay in ninkani uu yahay xaas leh laba carruur ah. Waxaana la hor keenay maxkamadda Ejigbo Magistrate halkaas oo lagu xukumay inuu galabsaday danbi ah inuu iska dhigay wuxuusan ahayn iyo xatooyo.
Si kastaba, wuxuu ka qaatay rafcaan xukunka lagu riday. Garsooraha ayaana ka qabalay middaas isaga oo la faray inuu soo xaadiro dhageysiga dacwadda xigta ee lagu qaadi doono. Hayeeshe sooma xaadirin.
Booliska ayaa ilaa hadda ku dabajooga raadka ninkan.