Himilo – Gemma Cargin waxay xilli aroor hore ah timid garoonka diyaaradaha ee magaalada Manchester, waxay u socotay waqooyiga Ireland magaalada Belfast balse waxay raacday ogaal la’aan diyaarad u safreysa magaalo kale.
Ms Cargin markii ay diyaaradda gudaha u gashay shaki la’aan waxay qaadatay hurdo yar oo indho guduudsi ah, markii ay soo kacday ayay ogaatay inay si qaldan u soo raacday diyaarad u socota magaaladeedii midaan ahayn.
“Markii aan soo kacay waxaan fiiriyay saacadda. Waxaan weydiiyay goorta aan deggi doono, durba ma deggan doonaa?”.
“Waxay ii sheegeen inaan saaacad iyo shan iyo toban daqiiqo kadib ay degi doonto diyaaraddu. Waxaan ku iri diyaaraddu sow uma socoto Belfast?”.
Nasiib darro waxay ii sheegeen inay diyaaraddu u socoto jasiiradda Gibraltar oo ku taala galbeedka dalka Spain.
“Waan naxay, waan welwelay, waxaan ka fekerayay sidii aan ugu laaban lahaa gurigeygii, waxaan ku celcelinayay Gibraltar miyaa la iiga soo tagi doonaa”.
Kaddib markii ay sharaxday dhibaatadeeda Gemma Cargin waxaa loo oggolaaday in isla diyaaraddii ay dib ugu celiso Manchester.