Home / Madadaalo / Haweeneey u yeeratay dab damiska si ay gacanteeda kaga saarto jijin

Haweeneey u yeeratay dab damiska si ay gacanteeda kaga saarto jijin

Himilo – Sheekadan ayaa ka dhacday magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha, markii mid ka mid ah haweenka ku nool deegaankaasi ay gashay dukaan lagu iibiyo dahabka.

Haweeneyda oo dooneysay inay wax iibsato, ayaa gacanteeda galisay jijin la qurxaanaatay si ay isugu jimeeyso una aragto inay kusoo baxeyso iyo in kale, balse markii ay doontay inay iska siibto ayey ku adkaatay bixinteeda, kaddib shaqaalaha goobta ayaa caawiyay.

Tijaabooyin dhowr ah oo qaarkood loo adeegsaday biyo saabuun leh iyo dunba waa lagu guuldareystay. Waxaase markii danbe la wacay Kooxda dabka la dagaalanta ee magaalada Guangzhou.

Waxey isku dayeen inay haweeneeyda gacanteeda ka saaraan jijinta, nasiib darrase ma suuragalin taasi, waxeyna qasabtay in haweeneyda ay iibsato jijinta dabadeedna la jabiyo.

Inkastoo jabinta jijinta loo adeegsaday buris, hadana nasiib wanaag wax dhaawac ah ma gaarin gacanta haweeneeyda marka laga reebo xanuun aan badneen oo ay ka dareentay.

Dad ka aragti dhiibtay dhacdadan ayaa gabadha ku tilmaamay mid nasiib u saaxiib ah.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan