Home / Habka-Nolosha / Haweeneyda ugu da’da weyn dunida oo u dabaal-degtay gu’geedii 119 aad

Haweeneyda ugu da’da weyn dunida oo u dabaal-degtay gu’geedii 119 aad

Himilo – Kane Tanaka oo ah haweeneyda ugu da’da weyn caalamka oo dhan ayaa 2-dii bishan January 2022 u dabbaal-degtay sanadkeedii 119-aad.

Tanaka oo ka soo jeeda Japan waxay dhalatay sannadkii 1903 oo ku aadan markii wiilashii walaalaha ahaa (Wright Brothers) ay hindiseen diyaaraddii ugu horreysay.

Dhalashadeedu waxay 11 sano ka horreysay dagaalkii koobaad ee dunida. Kane hadda waxay ku noolashay Fukuoka, waxay wakhtigeeda ku bixisaa xalinta xujooyinka.

Haweeneydan ma awoodo hadal badan. Waxay dadka kula xiriirtaa luuqadda jirka. Waa hooyada shan carruur ah. Sanadkii 2019 ayaa loo aqoonsaday jagadeedan hadda.

Japan waa hoyga dhowr qof ayaa loo aqoonsaday dadka ugu da’da weyn. Qofkii ugu da’da weynaa abid ee la diiwaan geliyay  waxay aheyd Alimihan Seyiti taas oo ku dhimatay da’da 135 jir.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan