Home / Arrimaha Bulshada / Haweeneydii ugu horreysay ee lagu tallaalo Ilmo-galeen oo hooyo noqotay

Haweeneydii ugu horreysay ee lagu tallaalo Ilmo-galeen oo hooyo noqotay

Kaddib mudo seddax bil ah oo lagu hayay qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaal ku yaala Turkiga – cunugga yar iyo hooyada dhashay ee lagu tallaalay ilma galeenka xaladoodu waa ay hagaagsan tahay.

Derya Sert- oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee lagu beero ilmo galeen loogu deeqay ayaa dhawaan noqotay hooyo.

Wiilkeeda yare ee Cumar waxa uu dhashay isaga oo miisaankiisa aad u hooseeyo, taas oo sababtay in muddo seddax bil ah lagu hayo qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka si loo indha-indheeyo xaladiisa caafimaad.

Ömer Özkan oo ah dhaqtarka loogu magac daray wiilka yar, kana mid ahaa kooxda sameysay qalliinka guuleystay ayaa sheegay in Cumar misaankiisa
uu dib u helayo isaga oo hadda ah 3 kilogram.

Waxa uu rumeysan yahay in dhalashada cunugga yar ay gogol xaar u noqon karto in mustaqbalka la sameeyo qalliino la mid ah kan Derya Sert ee lagula tallaalay ilmo galeenka.

Waxa qalliinkaasi oo ka dhacay gudaha dalka Turkiga uu socday muddo ka badan toddobo saac.

Waxey tani yididdiilo ku abuuri kartaa haweenka ka cabanaya ilma galeenka ee aanan wali noqon hooyooyinka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan