Home / Cayaaro / Hazard iyo Courtois oo qaba in Real ay u baahan tahay ciyaaryahankan

Hazard iyo Courtois oo qaba in Real ay u baahan tahay ciyaaryahankan

Himilo- Thibaut Courtois iyo Eden Hazard ayaa u sheegay asxaabtooda inay rumeysan yihiin saaxiibkoodii hore ee Chelsea Golo Kante inuu yahay nooca ciyaaryahan ee ka maqan kooxda Real Madrid.

Zinedine Zidane ayaa suuqa kala yimid ciyaartooy  dhowr ah xagaaga oo ay ka mid yihiin Hazard, Luka Jovic, Eder Militao iyo Ferland Mendy oo ay ugu fadhiyaan in ka badan 300 milyan ginni.

Inkasta oo ay u dhowdahay heer maalgashi aan horay loo arag, Real ayaa ololahan cusub ku bilaabatay qaab aan la jeclaysan, laba barbaro ayay gashay seddexdii kulan ee furitaanka horyaalka La Liga isla markaana ku guuldaraysatay inay shabaqa ilaashato.

Zidane ayaa muddo dheer xiiseynayay xiddiga Manchester United Paul Pogba, halka ugu yaraan mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee PSG Kylian Mbappe iyo Neymar ay macquul tahay inay diyaar u noqdaan iibsashada xagaaga soo aadan.

Laakiin, sida laga soo xigtay Atheltic, xiddigiihii hore ee Chelsea Courtois iyo Hazard ayaa saaxiibooda la wagaay in Kante uu matalo bartilmaameedka koowaad ee tababarahooda.

Zidane ayaa weli si weyn ugu tiirsan seddexda qadka dhexe ee Toni Kroos, Luka Modric iyo Casemiro kuwaasoo Real ku hogaamiyay seddex Champions League oo isku xigta ka hor inta uusan macalinka  reer France xagaagii 2018 ka tagin.

Dani Ceballos ayay u badan tahay inuu ku soo laaban doono xagaaga dambe ka dib amaah 12 bilood ah oo uu ku aaday Arsenal laakiin Kante, oo loo arko inuu yahay daafaca  dhexe ee ugu fiican adduunka, ayaa badbaadin kara daafaca kooxda reer Spain.

Kante, oo 28 jir ah, Uma noqon doono mid raqiis ah madaama uu saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah bishii November ee la soo dhaafay isla markaana uu haatan yahay ciyaaryahanka ugu mushaharka badan Chelsea kaas oo isbuuciiba  qaata 290,000 kun ginni.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan