Home / Habka-Nolosha / Heegan iyo Saxafi oo barbaro isla dhaafi waayay

Heegan iyo Saxafi oo barbaro isla dhaafi waayay

Kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Saxafi ayaa kulan cayaareed muhiin ah ku dheelay gegada Banaadir Stadium.

Saxafi ayaa carar ka joogtay kooxda ku soo xigta ee Signjet, waxayna dharbaaxada bilowday daqiiqaddii 36aad, markii uu gool u dhaliyay wiilka lanbarka 19aad u xirta Cabdow Aba Cali.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa lagu kala maray Heegan oo gool looga haayo, hayeeshee hogaamiyaha kooxdaa Jibriil Xasan Fariid ayaa qeybtii labaad bilowgeedii goolka barbaraha u dhaliyay.

Daqiiqaddii 85aad Siid Maxamed Cumar oo bedel ku soo galay cayaarta ayaa taabashadiisii koowaad gool u rogay, hogaankana u dhiibay kooxda Heegan.

Cayaarta oo u muuqata inay sidaa ku dhamaaneyso ayuuse daqiiqaddii 90aad Aadan Xuseen Ibraahim oo lanbarka 13aad u xirta Saxafi cayaarta ka dhigay barbaro.

Kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay kusoo dhamaaday barbaro min labo gool ah oo labada kooxood min dhibic ay ku kala qaateen.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan