Home / Habka-Nolosha / Heegan oo waddo cad marisay FC Muqdisho

Heegan oo waddo cad marisay FC Muqdisho

Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya ka hortagtay kooxda horyaalka ugu hooseysa FC Muqdisho.

Onuudi Chebuesi ayaa shan goor shabaqa gaaray si uu u noqdo cayaaryahankii u horeeyay oo xagaagan horyaalka Soomaaliya shanley dhaliyay, iyadoo Jabriil Xasan Fariid uu isna saddexley raacsaday si Heegan ay 8-1 u macsalaameyso dhigeeda FC Muqdisho.

Goolka qura ee FC Muqdisho waxaa shabaqa cujiyay Cali Maxamed Cali xilli kooxda FC Muqdisho ay iska qasaariyeen gool ku laad loo dhigay.

Waa kulankii u horeeyay oo tiro goolal ah oo intaan la eg la iska dhaliyo, kulanba kan xiga tirada goolasha oo hal koox shabaqooda laga buuxinayo ayaa kusii kordhaya horyaalka koowaad ee kubadda cagta Soomaaliya.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan