Home / Cayaaro / Henderson: Salah waa uu ka wanaagsan yahay sannadkiisii ugu horreeyay Liverpool

Henderson: Salah waa uu ka wanaagsan yahay sannadkiisii ugu horreeyay Liverpool

Himilo – Kabtanka  Reds ayaa ka hadlay saameynta uu Anfield ku leeyahay saaxiibka ay isku kooxda yihiin kahor ciyaarta ay wajahayaan  FC Midtjylland tartanka Champions League.

“Mohamed Salah waa uu ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool”, ayuu yiri Jordan Henderson, kaasi oo laacibka reer Masar hab dhallintiisa goolasha ku qeexay sida ciyaarta computerka.

Salah ayaa Liverpool qiimo dhan  €42 million Yuuro kaga soo biiray Roma xagaagii 2017, isaga oo dhaliyay 44 gool 52 kulan oo uu u saftay kooxda hal xilli ciyaareed waayihiisa Anfield.

Waxa uu noqday xiddiga ugu gool dhallinta sarreeya hal fasal Premier League, halka uu Reds ka caawiyay gaaritaanka finalka Champions League markii ugu horreysay muddo 13 sano ah.

Salah ayaa dhaliyay 100 gool 161 kulan oo uu u saftay kooxda tababare Jurgen Klopp.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan