Muqdisho – Henrikh Mkhitaryan ayaa u dagaalamaya inuu badbaadiyo mustaqbalkiisa Manchester United, ka dib markii uu qaab ciyaareed aan wanaagsaneyn uu soo ban-dhigay isbuucyadii u danbeysay, sida ay qortay The Sun.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Armenia ayaa ku riyaaqay kubad wanaag bilowgii xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku dhibtooday todobaadyadii danbe, waxaana laga saaray ciyaartii kooxdiisu ee 4-1 kaga badiyey kooxda Newcastle.
28 jirkan ayaa ku dagaallamaya inuu dhacsado booskiisa koobaad ee United-ka, Henrikh Mkhitaryan ayaana kaga soo biiray Man Utd naadiga wadanka Jarmalka e BVB.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.